Ereyga Maanta: waddoohiye
camambuurid  eeg camambuur². ld camambuur¹, cambuur¹ (2), cambuurid.
camandhuuji  ld camajuuji.
camandhuujin  ld camajuujin.
camandulle  Farsamo, si aan hagaagsaneyn u sameyn. ld camandulleyn.
camandullee  Farsamo, si aan hagaagsaneyn u sameyn.
camandulleyn  eeg camandullee. ld camandulle.
camanjuuji  ld camajuuji.
camanjuujin  ld camajuujin.
camar  1. Nooc cayayaanka yaryar ka mid ah oo hargaha gala. 2. C. ah: qof gaboobay.
camarre  Gorayo yar oo aan weli lab iyo dheddig loo kala saari karin.
camashoo  U c.: caro dareemid.
camashood  eeg camashoo.
cambaabbur  Canjeelo.
cambaar1  1. Roob da'a xilli jiilaal. 2. Xiddig magaciis. cambaar2  (daaw.) Cudur maqaarka ku dhaca oo goobo-goobo waaweyn oo cuncun leh u yeela; halaamacood maqaarka intiisa sare oo leh cuncun, finan iyo qolof. cambaarayn  eeg cambaaree.
cambaarcad  Qawad. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; qawad.
cambaaree  1. Cambaar u yeelid. 2. Cid ceeb iyo dhaliil ka faafin; dhaleecayn, ceebayn.
cambaarmadow  Cambaar aad u cuncun badan; goosato.
cambaaroobid  eeg cambaarow.
cambaarow  1. Wax cambaar ku dhacday noqosho. 2. Wax la dhaleeceeyay noqosho (qof).
cambar  Shay udgoon, xabag u eg, uurka nibiriga qaarkii ku samaysma oo xeebaha laga helo. ld canbar.
cambarshe  1. Qalab qaab bil leh, lacag ka samaysan, shunufyo ka laalaadaan oo haweenku qoorta ku xirtaan. 2. Uunsi cambar lagu daray. 3. Nooc cambarka ka mid ah oo aan qiimo badan lahayn. ld canbarshe.
cambaruud  Miro jilcan, midabkoodu cas yahay oo aad u macaan.
cambe  Geed weyn, dhulka kuleylaha ka baxa oo leh caleemo dhuudhuuban iyo miro macaan dhexda laf weyn ku leh. ld cambo.
cambo  ld cambe.
cambus1  ld cambusid. cambus2  Wax si aan nadaamsaneyn u laalaabid. cambusid  eeg cambus². ld cambus¹.
cambuul1  1. Tub geed sisin ah oo isku xiran. 2. Hoy yar, caws qoryo iwm ka samaysan oo beeraha laga dhex samaysto. ld abbuul, ambuul, cabbuul.
page : 32 of 95
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>