hakin
(m.f.dh)

eeg haki. ld hakis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hakin

caabbin [m.l (fiis.)]
Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega).

waabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid ama wax socday hakin. 2. Wax dagaal u taagan ama u soo socda nabar uu la hakado ama uu ku gabbado u taagid; baacin. baacin

ibidimooloji [m.l]
(daaw.) Barashada cudurrada sida dhakhsaha leh u fida dad badanna mar ku wada dhaca si loo garto habkii loo joojin lahaa ama loo hakin lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa mustaqbalka. Ma aha cudurrada la is qaadsiyo keliya waxa ku jira cudurro kale oo bey'adda la xiriira: kansarka, cudurrada wadnaha iwm.

barriiji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax xawli ku ordaya si kedis ah u hakin ama u weecin. 2. Ku b.: wax jilicsan ballaarin.

celi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax soo socda dib u laabid. 2. U c.: wax ciddii lahayd dib ugu geyn. 3. Wax socda hakin. 4. Ku c.: fal hore loo sameeyey mar kale dib u samayn. 5. Iska c.: wax iska difaacid. 6. Ka c.: wax ka reebid.

hakis [m.l]
ld hakin.

jooji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax dhaqaaq ka celin. 2. Wax dhulka yaal istaajin. 3. Wax socday hakin.

shakin [m.dh]
ld shakiyid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg