labo
(m.dh.t)

1. Tirada kowda iyo saddexda u dhexeysa; “2”. 2. Labadaba. Tus. “Labadaba way fiicanyihiin”.

labo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-btay, -batay)

Wax qasasho.

Lalabo*

Marka matag kusoo haayo, laameeryo


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Macne Dheeraad ah

Qoraalka rasmiga ah ee ereygan waa "Lallabo" wuuna ku jiraa qaamuuska.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh labo

laace [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
(xis.) Xarriiqda toosan ee uu xood aad ugu dhawaado (ama sigo) hase yeeshe aan weligii taaban. Tusaale ahaan, labosaabka waxa uu leeyahay laba laace. Marka xoodka isle'egtiisu tahay 1 garaaf ahaan loogu muujiyo laba addimaale kulannada kaartis waxa ay laaceyaashiisu noqonayaan x = 0 iyo y = 0 (eeg: labosaab).

laako [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Laangeed oo labo qaybood u kala baxdo. 2. Mataano. 3. Fallaar, dabbaanta ka yara ballaaran oo aan dhega lahayn.

laaxig [m.l]
Bayd faal oo madaxa ka ah labo, tan ku xigtana hal, manjaha iyo tan ka sarreysana min labo.

maalin dayaxeed [m.dh] (-lmo ..., m.l)
(c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.

maandhe [u.j]
Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandhow.

oo [Xiriiriye | Conjunction]
1. (nax.) Xiriiriye loo adeegsado in laysku xiro labo weer tabineed oo abyoon. Tus. “Cali waa nin wanaagsan oo deeqsi ah”, “Cali oo Xamar joogay ayaan la kulmay, adoo harsan waayay ma laguu soo harsaday?” 2. (nax.) Xiriiriye isku xira laba fal oo isku mar la qabtay.

ooryawalaal [m.l] (-llo, m.dh)
Laba nin oo labo haween oo walaalo ah kala qaba, waxa ay isu yihiin. ld ooryowalaal.

waalo [m.dh]
Cayaar cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, raggu cayaaro oo labo saf oo iska soo horjeeda, tira isla egna ah, iyadoo jilbajabsan gacmahana lagu cayaaro hees iyo jiibna leh; hellem.

xagaggeli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U x.: labo qof oo isku dhinac ah, keli ula legdamid; midba xag u deyn.

xagal [m.dh] (-glo, m.l/-llo, m.dh)
1. Lowga laabatadiisa dibadda u jeedda oo kolka la fariisto ama lugta la laabo, isku laabanta. 2. Labo xarriiqood oo toostoosan oo meel isugu yimaada iyo qaabka ay u yeelaan korka ama meesha u dhexaysa.

la [mu.y.ac]
Magacuyaal tilmaamaya in faluhu uu yahay qof aan la aqoon ama aan la caddaynin. Tus. “Waa la yiri”.

la [h]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa oo tilmaamaya wehelin ama wax wada qabsi. Tus. “Cali buu la socdaa”, “Wuu ila shaqeeyaa”, “Kursigaan la tag!”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg