madax-xanuun
(m.l)

(daaw.) Xanuun madaxa ku dhaca; madax-wareer. ld madaxwareer.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh madax-xanuun

qaamowqanshiir [m.l]
(daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo ku dhaca caruurta da'dodu u dhaxyso shan (5) ilaa shan iyo toban (15). Bararka qanjirka calyada oo ku yaal daanka hoose dadabiisa ee labada dhinacba, waxa ka horreeya: qandho, madax-xanuun iyo matag bararka labada qanjir way kala hormaraan mararka qaarkoodina mid keliya ayuu cudurku ku dhacaa.

madaxwareer [m.l]
ld madax-xanuun.

wareer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Cid madax-xanuun dareemid. 2. Cid dayoobid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg