madaxee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-xeeyay, -xeysay)

1. Kubbad madaxa ku dhufasho. 2. Shir iwm hoggaamin (qof).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh madaxee

dhiiguris [m.l]
Fal lagu falo ugaarta (dhiigga neefka la dilay ayaa qaansada madaxeeda iyo dabadeeda lagu taabtaa).

dhul-madaxeed yar [m.l] (-dyo yar, m.dh)
(juqr.) Qar ka soo dul baxsan badda.

madaxeyn [m.f.dh]
eeg madaxee.

shiish [m.l]
1. (-shash, m.l) Kurtun yar, bir ah oo ka soo taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo marka wax la nishaabayo iyada iyo fantax yar oo iyaduna buntukha meel dhexe oo hore kaga taal laysku abbaaro. 2. Nishaab; toog.

takoorin [m.l]
Lafta misigta madaxeeda.

wiiq [m.l]
1. Bowdada madaxeeda misigta ku jira. 2. Misiqta fiiqeeda.

madax [m.l] (-xyo, m.dh)
1. Oogada qaybta sare ee nafleyda. 2. Maskax, laab, caqli. 3. Baab. 4. Koox, qayb. 5. Dhool (roob); garab; saylaan. 6. Bayd faal, dhinaca qofka faalka dhigaya soo xiga ma ahee dhinaca kale.

madax [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Qof meel ama dad u sarreeya; duq waayeel.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg