madaxnimo
(m.dh)

Madax ahaansho (qof). ld madaxti, madaxtinnimo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh madaxnimo

islaan [m.l]
1. Diinta nebi maxamed loo soo dhiibay oo muslimiintu haystaan. 2. I. ah: qof diinta nebi Maxamed rumeysan. 3. (-nno/-aammo, m.dh) Qof madaxnimo beeleed loo doortay. 4. Nin da'weyn.

islaannimo [m.dh]
1. Muslim ahaansho. 2. Qof madaxnimo beeleed loo doortay ahaansho.

madaxti [m.dh]
ld madaxnimo.

madaxtinnimo [m.dh]
ld madaxnimo.

magacow [m.l]
1. Qof magiciisa oo loogu yeero. 2. Qof darajo iyo madaxnimo lagu meeleeyo. 3. ld magacaabid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg