madaxshub
(m.l)

1. Sadaqo loo bixiyo qof haween ah oo dhintay. 2. Allabbari haweenku bixiyaan marka ay soo sid-dhaweeyaan; kuraysi; taraaraysi; sagaalaysi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh madaxshub

kur [m.dh] (-ro, m.l)
1. Duco iyo Alla-bari dumarka uurka lihi sameeyaan kolka sidkoodu dhammaad ku dhow dahay; kuraysi; madaxshub; sagaalaysi; tararaysi. 2. Buur yar; kood. 3. Xeero yar oo bunka lagu shubto. 4. Weel qori ah oo qaabka dhiisha loo qoro oo lagu kaydiyo burcadka inta aan la shiilin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg