Ilaah
(m.l)

(dii.) Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jiray, jirina doona; Rabbi; Eebbe; Alle.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh Ilaah

eebbe [m.l]
Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; waaq; madhinte; weyne. ilaah, rabbi, guulle, waaq, madhinte, weyne

ibliis [m.l] (-syo, m.dh)
Uun xun oo dadka duufsada oo xumaanta iyo wixii Ilaah lagaga dheeraanayo u horkaca.

saahid [m.l] (-diin, m.dh)
Qof cabsida Ilaah u go'ay.

saahid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Cabsi Ilaah u go'id. 2. Ka s.: wax la caadaystay joojin.

saatir [m.l] (-rro, m.dh)
Magacyada Ilaahay mid ka mid ah.

tacdaar [m.dh]
(dii.) Neef xoolo ah oo Ilaah dartii loo qalo. ld tadcaar¹, tamcaar¹.

uumo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3]
(uuntay, uumatay) Ilaah wax abuurasho.

waaq [m.l]
Magac ay Soomaalidu waagii hore ay u tigiin Ilaah. ld waq.

aammiin [m.dh]
Erey la yiraahdo marka la duceysto kaddib, oo ujeeddadiisu tahay in Ilaah aqbalo ducada. ld aamiin.

acuudu-billeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ka a.: wax shartooda Ilaah ka magan gelid. ld cawdu-billeyso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg