Maalmo
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-lin, m.l)

Wax ka badan hal maalin. ld Maalmooyin. Maalmooyin

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh Maalmo

da' [m.dh]
1. ld da'aad. Inta sano, bilo, maalmo iwm ee nafley jirto laga bilaabo maalintii uu dhashay; cumri. 2. D. ah: qof sanado badan jira; duq. 3. Dad hal casri wada nool. duq, da'aad

kaalandar [m.l] (-ooyin, m.l)
(c.fal.) Nidaam loo qaybiyo waqtiga aminno go'an oo halbeegyada dabiiciga ahi yihiin maalinta (ku wareegga dhulka ee dhidib-dhexaadkiisa) iyo sannadka (ku wareegga dayaxa ee dhulka) iyo toddobaadku waa qaybo lagu heshiiyay. Wareegga dhulka ee qorraxdu wuxuu qaataa waqti dhan 365 maalmood, shan saacadood, 48 daqii-qadood iyo 46 ilbiriqsi. Samaynta kaa-landarka waxaa lagala kulmaa dhibaa-tooyin, haddii wareegga dayaxa ee dhulka hareerihiisa oo qaato halbeeg dabiici ah, waayo, wareeg noq-noqoshada dayaxa ee 12 jeer ahi wuxuu u dhigmaa 364 maalmood, ka qorraxda laga isaabiyaana waa 365 maalmood.

tacsi [m.dh]
1. Hadallo qof laga dhintay loo jeediyo oo lagu samirsiiyo. 2. Lacag loo geeyo qof laga dhintay. 3. Murugo dhawr maalmood loo hayo qof dhintay.

afartanbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Naag dhashay oo 40 maalmood u dhammaasho. ld afartambax².

bildayaxeed [m.dh] (-lal ..., m.l)
(c.fal.) Waqtiga uu dayaxu wareeg buuxa ku sameeyo dhulka, waqtigaas oo u dhexeeya bil cusub ilaa bil cusub; waana ugu dhawaan 29.5 maalmood.

dhallin [m.dh]
1. Inta sano, bilo, maalmo iwm ee noole jiro. 2. Dadka inta da'da yar. 3. Dh. ah: qof da'weyn.

kaltiri [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. U k.: xooluhu inta ay biyaha ka qadayaan xisaabin. 2. Wax riman sidkooda u maalmo tirin.

qad [m.l]
Labaq., saddexq. iwm: xoolo aan biyo cabbin laba maalmood, saddex maalmood iwm.

qandho-baaratifo [m.dh]
(daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo uu keeno baktiiriyada salmonella baaratiifay: (A, B, iyo C). Baktiiriyada waxay ku badantahay saxarada bukaannada cudurkaas qaba iyo kuwa cudur sidayaasha ah oo aan bukin - wuxuuna cudurkaasu dillaaca markii nadaafad xuma u badato ama si aan fayodhowr lahayn oo cunno loo aqoolo. Kalhuuriska oo ah 1-10 maalmood, ka dib astaamo ay ka mid yihiin; shuban, qandho ladifan iyo firiiric ka soo baxa laabta, ayaa bilowda waxayna socdaan muddo toddobaad ah.

sannad [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-do, m.l)
Waqti hal mar dhulku qorraxda ku wareego oo u dhiganta 365 maalmood ama laba iyo toban (12) bilood. ld sanad.

maal [m.l]
1. Hanti. 2. ld maashi. (-lal, m.l) Neef irmaan oo cid la ammaanaysiiyo si uu u intifaacsado. 3. ld maalid.

maal [m.dh]
Malax.

maal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Neef irmaan caano ka lisid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg