Qur'aan
(m.l)

ld Quraan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh Qur'aan

burloox [m.l] (-xyo, m.dh)
Cad soor ah oo la mariyo looxa qur'aanka inta aan wax lagu qorin.

faataxo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Suuradda ugu horreysa kitaabka Qur'aanka kariimka.

fiqi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Axkaamta laga soo qaatay Qur'aanka iyo xadiiska Nabiga. 2. Qof ku xeel dheer diinta islaamka.

furo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. (f.g) Albaab iwm ballaqsasho. 2. (f.g) Wax xarig ku xirnaa ka baxsasho. 3. (f.g) Wax horay loo dhacay xoog ku soo ceshasho. 4. (f.g) Wax sida dhar, lacag iwm cid xoog uga qaadasho. 5. (f.g) Qof qaan u xirnaa si loo furo qaantii loo haystey bixin. 6. (f.g) Kitaab qur'aan iibsasho. 7. (f.mg) Ka f.: saaxiibtinnimo qof lala lahaa burin.

marre [m.l]
(dii.) Qur'aanka caddaddiisa (114) oo hal mar la akhriyo. ld marro (2).

qarabbax [m.dh]
Barashada la sii barto cashar qur'aan oo aan weli la gaarin.

qarabbaxso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Cashar qur'aan oo aan weli la gaarin sii barasho.

qarabbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
U q.: cashar qur'aan aan weli la gaarin cid u sii akhrin.

Quraan [m.l]
Kitaab Ilaahay Nabi Maxamed (S.C.W.) u waxyooday si uu ummaddiisa u gaarsiiyo. ld Qur'aan.

Qur'aan [m.l]
ld Quraan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg