Quraan
(m.l)

Kitaab Ilaahay Nabi Maxamed (S.C.W.) u waxyooday si uu ummaddiisa u gaarsiiyo. ld Qur'aan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh Quraan

aakhir [m.l]
1. Kan dambe. 2. Quraanka qaybtiisa damba. ld aakhiritaan. aakhiritaan

haandhurwaa [m.dh]
1. Dhoondhurwaa; adaahi; haandawaco. 2. Buulallo weyn oo quraanyada geeedaha dushooda ka samaysata. dhoondhurwaa, adaahi, haandawaco

jaamac [m.l]
1. Kitaabka Quraanku ku qoranyahay. 2. Masaajidyada magaalada kan ugu weyn.

nabaaddiinaxir [m.l]
(dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.

nabaaddiinaxir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Wax lumay quraan ama duco u akhriyid si Eebbe u badbaadiyo.

raatib [m.l]
1. Quraan akhris, werdi iwm oo waqti go'an si joogto ah loo sameeyo. 2. (-byo, m.dh) Laba iniinood oo ka mid ah iniinaha tusbaxa oo tirooyin go'an u kala qaybiya tusbaxa middood. ld ratib¹ (1).

xaddiisqudsi [m.l] (-iyo, m.dh)
(dii.) War Rasuulka (n.k.h.a.) loo waxyooday oo aan Quraanka ka mid ahayn.

xafid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Wax dayac ka ilaalin. 2. Cashar, Quraan iwm kor ka bara-sho.

yeerso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Arday quraan qoranaaya aayadda uu marayo macallinka u sheegid si midda ku xigta loogu sheego.

aayad [m.dh] (-do, m.l)
1. Akhriska ama qoridda quraanka inta u dhexeysa laba joogsi. 2. Wax aan hore loo arki jirin oo yaab leh; mucjiso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg