aadaan
(m.l)

1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan

aadaan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-aamay, -aantay)

1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aadaan

aadaamid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aadaan². ld aadaan¹, aaddamid, aaddaan¹, eedaamid, eedaan¹. aadaan, aaddamid, aaddaan, eed

aaddan [m.l]
eeg aadaan¹. aadaan

aaddan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-damay, -dantay)
eeg aadaan². aadaan

gaadaan [m.l]
Qarqarsi. qarqarsi

gaadaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin.

haadaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Dhul jeexan, weyn oo hoos u dheer; qar ama bohol. 2. Geedka dharkeynka.

eedaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
ld aadaan². aadaan

gaadaansad [m.l]
ld gaadaansasho. gaadaansasho

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg