aafo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Dhibaato weyn oo abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad u weyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aafo

aafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
Cid aafo gaarsiin.

aafeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax aafo haleeshay ahaansho.

aafoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aafow. aafow

aafow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax aafeysan noqosho (nafley badan).

xaafood [m.l]
Qashin biyo fadhiya ama socda soo tufaan.

gaafo [m.l]
1. Waqti dheer. 2. Miileysi; kaltan. miileysi, kaltan

gaafo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ftay, -fatay)
1. Bawdyo kala fogeyn (hal). 2. U g.: wax qabashadooda isu diyaarin. 3. U g.: wax baajintooda isku hawlid. 4. Ku g.: wax dhan walba ka marid.

gaafootamid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaafootan². ld gaafootan¹ (2). gaafootan

gaafootan [m.l]
1. Kaltan. 2. ld gaafootamid. kaltan, gaafootamid

aa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
ld baa.

aa [mu.dhm.y]
1. ld Aad. 2. ld aydin.

aa [Erey Dareen | Exclamation]
Cod lagu muujiyo xanuunka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg