aalad
(m.d) (-do, m.dh)

1. Qalab mashiin leh oo wax lagu qabsan karo. Tus. “Kombiyuutarku waa ±a. cusub oo cilmibaarista fududaysay”. 2. Qalab lagu dagaallamo; hub. 3. Qalabka dumarku ay qaataan ee isku qurxiyaan mid ka mid ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aalad

aaladee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
1. Wax qalabeyn. 2. Wax qurxin. 3. Ciidan hubayn. 4. Cunto si ay caraf iyo dhadhan u yeelato geedo ku darid.

aaladeyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aaladee. aaladee

aaladeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Wax la qalabeeyay ahaansho. 2. Wax la qurxiyay ahaansho. 3. Wax la hubeeyay ahaansho (ciidan).

aaladeysnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ±aladeysan. ld aaladeysnaansho. aaladeysnaansho

aaladeysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld ±aladeysnaan. aaladeysnaan

aalad-kabniin [m.dh] (-do-kabniin, m.l)
(daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.

gaalad [m.dh]
Haweeney aan muslin ahayn.

xaalad [m.dh]
ld xaal¹ (3).

xaalad-beeggaal [m.dh] (-do ..., m.l)
(fiis.) Xaalad loo adeegsado qiimaha looga qiyaas qaato cabbirrada kul-daynaamikada.

aal [m.dh.fk]
Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”.

aal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (yiil, tiil; aalli)
aal²: 1. (f.g) Wax meel go'an ku sugnaansho. 2. (f.mg) Ka a.: fal ku dhaqaaqiddiisa deyn. ld ool², oollow

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg