aamminsan
(Fal Gudbe4 | Verb Transitive4) (-naa, -nayd)

1. Qof, wax cid aammin ku qaba ahaansho. 2. Qof, wax rumaysan jirista Eebbe iyo diimaha ahaansho. Tus. “Diinta Islaamka ayaan aamminsanahay”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aamminsan

aamminsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aamminsan. ld aamminsanaansho.

aamminsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg aamminsanow; ld aamminsanaan.

aamminsanow [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-naaday, -naatay)
1. Qof, wax cid aamminka ku qabo noqosho. 2. Qof, wax rumaysan jiritaanka Eebbe iyo diinta noqosho.

cawtalgasiir [m.l]
Geed la aamminsan yahay inuu awrka qooqani daaqo.

fajiiste [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
Qof aamminsan aragtida Fashiisamka. ld fashiiste.

mabda' [m.l] (-'yo/-baadi', m.dh)
1. Feker iyo aaraa habaysan oo cidi aamminsan tahay. 2. Aasaaska fikradaha cilmiga ah ee ku saabsan sayniska, diinta akhlaaqda iwm. 3. Ujeeddo.

mingis [Magac Lab | Noun Masculine]
1. (dii.) Rooxaan ama jin la rumaysanyahay in uu dadka cudur geliyo. 2. Cudur dadka ku dhaca oo la aamminsanyahay inuu ka yimaado rooxaanta (mingiska). 3. Cayaar jiib, jaan iyo durbaan leh oo loo tumo qofka jirrada mingiska qaba.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg