aaradee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-deeyay, -deysay)

Maro ama daah aarad u yeelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aaradee

aaradeyn [m.f.dh]
eeg aaradee.

cimilo-qaaradeed [m.dh]
(juqr.) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.

faaradee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Alwaax faarad ama raando ku simid.

kala-durug-qaaradeed [m.l]
(jool.) Kala sikashada gudubka qaybo ka mid ah qaaradihii hore, kuwaas oo sameeyay dhul-weynaha qaaradaha dunida ee maanta.

raso-qaaradeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(juqr.) Gogosha badda ee garabka ku haysa qaaradaha oo ay ku daboolan yihiin biyo gun gaaban. Sida caadiga ah guntaas biyuhu waxay xirtaa ilaa 600 oo cagood (182.9mmitir)

tiiro-qaaradeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(juqr.) Janjeerka u dhexeeya raso qaaradeedka iyo salka hoose ee badweynta.

aarad [m.dh] (-do, m.l)
Liid maro ah oo qurxin awgeed loogu tolo dacallada maryaha la xirto iyo daahyada.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg