aarso
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-saday, -satay)

Ka aa.: cid, cid kale oo waxyeello u geysatay ka gudasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aarso

saarso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Xamuul dusha ku qaadasho.

ugaarso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Ugaar doonasho. ld ugaaro.

xambaarso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax dhabarka ku qaadasho. ld xambaaro.

aarsasho [m.f.dh]
eeg aarso. ld aarsi.

abaarso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
ld abaarayso.

ballaarso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Dhul iwm cabbirkooda kordhisasho. 2. Wax ballaciisa weyneysasho.

cawaarso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Maroodi, si uu u harraad beelo, dhir dhacaan leh ruugid.

dadabxambaarso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ilmo aan la gardaadin si gudub ah u xambaarasho. ld dadabxambaaro.

dhaarso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Qof dhaar marsasho.

aar [m.l] (-rar, m.l)
1. Libaax weyn oo lab. 2. Nin geesi ah. 3. Aargoosad.

aar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Alaab (aqal iwm) meel sare saarid. 2. (f.mg) Ka aa.: cid dakano gashay ka gudid. 3. (f.mg) U aa.: cid qof laga dilay, ciddii dishey qof ka mid ah dilid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg