abaalmari
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Qof u abaalgudid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abaalmari

abaalgud [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Wax qiimo leh oo la siiyo qof hawl dheeraad ah qabtay; abaalmarin. 2. ld abaalgudid.

abaalmarin [m.dh]
eeg abaalmari. ld abaalmaris.

abaalmaris [m.l]
ld abaalmarin.

faradduug [m.l]
Wax yar oo abaalmarin ahaan loo siiyo hawl la qabtay.

gooso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Wax, wax ka jarasho. 2. (f.g) Wax mutansasho. Tus. “Cali abaalmarintii la siiyey waa goostay”. 3. (f.g) Arrin fulinteed go'aansasho. Tus. “Caasha waxay goosatay in ay guursato.” 4. (f.mg) Cid baxsasho. Tus. “Cali waa goostay.”

janno [m.dh]
Meel raaxo badan leh oo Eebbe dadka wanaagsan ku abaalmariyo.

midiidin [m.l] (-nno, m.dh)
Qof la nool cid uu u shaqeeyo oo aan wax abaalmarin ah lahayn; aadeege; khaaddin. ld madiidin¹.

sawaab [m.dh]
Abaalmarinta Ilaah qof wax fiican sameeyey abaalmariyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg