abaalmarin
(m.dh)

eeg abaalmari. ld abaalmaris.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abaalmarin

abaalgud [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Wax qiimo leh oo la siiyo qof hawl dheeraad ah qabtay; abaalmarin. 2. ld abaalgudid.

abaalmaris [m.l]
ld abaalmarin.

faradduug [m.l]
Wax yar oo abaalmarin ahaan loo siiyo hawl la qabtay.

gooso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Wax, wax ka jarasho. 2. (f.g) Wax mutansasho. Tus. “Cali abaalmarintii la siiyey waa goostay”. 3. (f.g) Arrin fulinteed go'aansasho. Tus. “Caasha waxay goosatay in ay guursato.” 4. (f.mg) Cid baxsasho. Tus. “Cali waa goostay.”

midiidin [m.l] (-nno, m.dh)
Qof la nool cid uu u shaqeeyo oo aan wax abaalmarin ah lahayn; aadeege; khaaddin. ld madiidin¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg