abaar
(m.dh) (-ro, m.l)

Dhibaato ballaaran oo roob la'aani keentay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abaar

aafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhibaato weyn oo abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad u weyn.

aaho [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhiibato weyn oo abaar ama cudur ay keenaan oo guud ahaan saameya naflay badan.

gaalow [m.l]
Miro ka baxa geed abaareedka qaarkiis.

laangooyo [m.dh]
1. ld laangooyn. Goynta xilli abaar ah xoolo loo gooyo geedaha magoolay laamahooda. 2. Jaridda meel jiq ah laame laga jaro si loo maro. 3. Astaan lagu muujiyo jaho la aaday.

abaarayn [m.f.dh]
eeg abaaree. ld abaaraysiin.

abaaraysad [m.l]
ld abaaraysasho.

abaaraysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax abaari haleeshay ahaansho (dhul).

abaaraysasho [m.f.dh]
eeg abaarayso. ld abaaraysad, abaaraysi.

abaaraysi [m.l]
ld abaaraysasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg