abaaree
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-reeyay, -raysay)

Wax abaar ah ka dhigid (meel). ld abaaraysii.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abaaree

gaalow [m.l]
Miro ka baxa geed abaareedka qaarkiis.

abaarayn [m.f.dh]
eeg abaaree. ld abaaraysiin.

abaaraysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld abaaree.

caday [m.l]
1. (caday, m.dh) Geed abaareed laamihiisa ama xididdadiisa ilkaha lagu nadiifiyo oo leh miro yaryar, gudguduudan, macaan oo la cuno. 2. (-yo, m.dh) Laan dhuuban ama xidid ilkaha lagu nadiifiyo; rumay.

carshi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Sariirta boqorka. 2. Shay weyn, muqaddas ah Eebbe leeyahay oo samada sare ku sugan. 3. Geed abaareed gaaban oo leh caleemo balballaaran iyo miro macaan oo la cuno kana baxa carroguduudka.

cillaan [m.l]
1. Geed abaareed weyn, cufan, calemo yaryar leh, qodax lahayn oo ubaxiisu udgoon yahay. 2. Budo caleen oo marka la qaso ciddiyaha, timaha iwm lagu guduudsado.

cismaandooy [m.l]
Geed abaareed aan qodax lahayn, leh caleemo dhuudhuuban, laamo tootoosan oo kala baxbaxsan iyo miro hurdi ah oo la cuno dhexdana laf adag ku leh.

cobol [m.dh]
Geed abaareed, caleen ballaaran oo aan qodax lahayn.

dalluug [m.l]
(dalluug, m.dh) Geed abaareed, gaaban, cufan oo leh laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar; hayn.

abaar [m.dh] (-ro, m.l)
Dhibaato ballaaran oo roob la'aani keentay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg