abad
(Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb)

Markii magacuyaal lahaansho lagu lifaaqo wuxuu la micna yahay “weligii”. Tus. “A.kii ma imaan” oo la mid ah “weligiis ma imaan”. ld abadan, abid, abiid, ebed.

Tabadiin*

Tuunada Tabadiin (yellowfin Tuna) waa nooc ka mid ah tuunada (Tuna) oo laga helo biyaha caaryada ah ee kulaalayaasha iyo badaha kulaala hoose ee adduunka oo dhan.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abad

ebed [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
ld abad. abad

haabad [m.l]
ld haabasho. haabasho

daabad [m.l]
Ninka tababbarka bilowga ah qaatay xagga ugaadhsiga, welise aan heer fiican gaarin.

kaabad [m.dh] (-do, m.l)
1. Dhismo yar oo dhulka ka kacsan. 2. Buundo. buundo

taabad [m.l]
ld taabasho¹. taabasho

laabad [m.l]
ld laabasho. laabasho

yabadhaalo [m.dh]
Carruurta ay dhasho haweeney minyaro ah.

jabad [m.l] (-dyo, m.dh)
Berrin waa hore laga guurey oo ooddii raadkeedii weli yaal. ld jabo.

kaadiqabad [m.l]
Cudur dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo kaadida ku xira. ld kaadi-qabsasho.

laablaabad [m.l]
ld laablaabasho.

ab [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Awoowyaashii hore oo laga soo jeedo. 2. Abkay ma arag: weligay ma arag.

ab [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
A.kay ma arag: weligay ma arag.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg