abbaay
(m.dh)

ld abbaaye.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abbaay

rabbaayad [m.dh] (-do, m.l)
Xayawaan la baray inuu dadka la dhaqmo.

abbaay abbaay [m.dh]
Digri haweenka u gaar ah oo la sameeyo marka haweeney ay kuraysanayso ama markii caado ahaan loo xusayo abbaay Faaduumo oo lagu wado gabadhii Rasuulka (n.k.h.a.).

abbaaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Wax ay gabadhi u tahay wiilka ama gabadha la dhalatay. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo gabdhaha wada dhashay ama xigto ah ama is jecel isugu yeeraan. 3. Gabadhi waxa ay u tahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abbaay, abbaayo.

abbaayguddoy [m.dh] (-ooyin, m.l)
Cayayaan jiriiqaaqa iyo ayaxa la bah ah oo leh madax ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay labada hore dhaadheeryihiin. ld ayeeyo-lugdheer; abooto-idabbadis.

abbaayo [m.dh]
ld abbaaye.

babbaay [m.l]
Geed-mirood dheer, lugtool ah oo baarka sare ku leh caleemo balballaaran iyo miro waaweyn, macaan oo leh iniino filfisha u eg; mafafaay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg