abeeso
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Nooc halaqa ka mid ah, halis ah, gaabiya oo leh madax weyn, barabaro iyo neef ay isku difaacdo oo hadba ciidda ay ku nooshahay midabkeeda yeelato.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abeeso

yaxaas [m.l]
(c.nafl.) Bahal webiga ku jira oo abeeso-lugaley weynaatay u eg; haraggiisa waxaa kasoo taagtaagan filgimmo geeso u eg oo waa adayg toxob leh; wuxuu leeyahay dabo dheer iyo madax isaguna dheer oo saddexgees qaabki leh; daaman adag iyo af weyn oo ilko ku sarcanyihiin; dadka iyo duunyadaba waa uu cunaa.

abeesajilfaaley [m.dh]
Abeeso aad u weyn oo bakeylaha, sagaarada iyo ugaarta yaryar liqda. ld abeesojufaaley.

abeesojufaaley [m.dh]
ld abeesajilfaaley.

abeesow [m.l]
Cudur maqaarka dadka ku dhaca oo u yeela barbaro kuwa abeesada u eg.

camaaryaley [m.dh]
1. Nooc ka mid ah abeesooyinka waaweyn. 2. Wax tiradoodu aad u badantahay; camaarrey.

galdhacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Nafley sida mas, abeeso iwm xuubka sare ridid.

maroodiyow [m.l]
(daaw.) Cudur xun, luga barariya oo dadka iyo xoolaha ku dhaca; abeesow.

maso [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Abeeso; mas. 2. Abeeso-lugaley. ld manso.

shuuq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Awr, abeeso iwm cod aan qeexnayn bushimaha oo is haysta ka soo saarid. 2. Wax weynaa yaraansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg