abnaq
(m.l) (-qyo, m.dh)

(xis.) Tirada soo baxda marka la isku dhufto dhammaan abyooneyaasha togan ee ka yar ama le'eq abyoone togan ee la isa siiyey. Abnaqa abyoone n oo loo qoro n! waa: (n - 1) (n - 2) (n - 3) ... 3. 2. 1. Cidala isku raacay o! = 1.

abnaq
(m.l)

Cilmiga abtiriska.

abnaq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)

U a.: cid u abtirin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abnaq

abnaqid [m.f.dh]
eeg abnaq³.

abtirsiinyo [m.dh]
Aqoonta ku saabsan awoowayaashii hore magacyadooda iyo siday isu xigeen; abnaq. ld abtiris, abtirsi, abtirsiimo, abtirsiino.

aragtida Darwin [m.dh] (-iyaha ..., m.l)
(baay.) Aragtida tadawurka ee ahayd isirka sinjiyada oo Charles Darwin soo saaray 1859, taas oo ilaa hadda dadka qaarkood rumaysanyahay sinjiyadu inay ka soo jeedaan noocyada abnaqyada hoose, marka loo eego dariiqadda xulashada dabeeciga.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg