aboodi
(m.l) (-iyo, m.dh)

Nooc haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhaxeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka luguha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aboodi

dhagax-aboodi [m.l]
Dhagax gaar ah oo la aaminsanyahay inuu daawo leeyahay.

qal-aboodi [m.l]
Firiiric yar yar oo cuncun leh oo oogada dadka ka soo yaaca kolka ay qorraxdu kulushahay (kulayaaha).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg