aboor
(m.dh)

Waxar ayadoon naaskii hooyadeed ka go'in biyo-cabbid bilowday.

aboor
(m.l)

Cayayaan yaryar, cawlan, oo leh lix lugood iyo ilka adag oo beel beel u dega, dundumooyinka sameeya.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aboor

raanbi [m.l] (-iyo, m.dh)
Raar yar oo aqal Soomaaliga la dhex geliyo, oo la saaro weelasha si aan aboorka u cunin.

aboornimo [m.l]
Aboor ahaansho (waxar).

arkaniida [m.l]
(baay.) Dir ka tirsan artaraboodhaha berriga ku nool kana kooban ilaa 5.000 oo sinji oo ay ka mid yihiin caarada, dabaqallooca, shilinta iyo aboorka. Jidhka arkaniiduhu wuxuu u qaybsamaa qayb hore oo loo yaqaanno madax saabley iyo qayb dambe oo loo yaqaan ubuc.

baasaboor [m.l] (-rro, m.dh)
Dokumeenti sharciyeysan oo dalalka adduunka loogu kala gudbo; dalkumar. ld baasaboorto.

baasaboorto [m.dh]
ld baasaboor.

duddun [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ooyin, m.l)
Taallo dhoob adag ka samaysan, godad leh oo nooc aboorka ka mid ahi candhuuftiisa ku dhiso. ld duddumo, dundumo, dundun³.

qarandi [m.dh] (-iyo, m.l)
Bahal duurjoog ah oo leh af dhuuban iyo gafuur dheer, dhego dhaadheer oo kuwa dameeraha u eg, lugo gaaggaaban oo xoogag badan, dhabar sida qaansada u xoodan iyo dabo sal weyn leh oo cuna aboorka, quraanyada iwm; xabaalaquf; saddexsuulley.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg