abti
(m.l) (-iyo, m.dh, -iyaal, m.l/dh)

1. Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu walaalkeed u yahay. 2. u.j. abtiyow! 3. u.j. wiilka aan abtiga u ahayow!; gabadha aan abtiga u ahayey.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh abti

aayo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Afo waxa ay u tahay carruurta ninkeedu ka dhalay naag kale. 2. Haweeney qof abtigii ama adeerkii qabo. 3. Qof waxa ay u tahay hooyadiis walaasheed; habaryar. ld aaye.

abnaq [m.l]
Cilmiga abtiriska.

abnaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
U a.: cid u abtirin.

abtibadbaadeed [m.l] (-dyo, m.dh)
Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu ina adeerkeed u yahay.

abtinnimo [m.dh]
Abti ahaansho.

abtiri [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U a.: qof faraciisu siday isu dhaleen sheegid.

abtirin [m.f.dh]
eeg abtiri. ld abtiris.

abtiris [m.l]
ld abtirin, abtirsiinyo.

abtirsad [m.l]
ld abtirsasho.

ab [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Awoowyaashii hore oo laga soo jeedo. 2. Abkay ma arag: weligay ma arag.

ab [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
A.kay ma arag: weligay ma arag.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg