astee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-teeyey, -taysey)

ld astaamee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh astee

waagii senosayka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waqtiga saddexaad ee waayaha jiyoolojiyada; waxaana lagu asteeyaa billowgii naafleyda nasleyda ah; waagani wuxuu ku xigay oo ka dambeeyay kambiriyan-ka-horreeye.

xad-dhaaf [m.l]
Meeshii laysu asteeyay oo la dhaafo; xadka oo laga baxo.

astaamee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -maysay)
Wax astaan u yeelid. ld astee.

cimilada lamaddegaanka [m.dh]
(juqr.) Nooca cimilada ee dhulka oomanaha ah, amase aan helin qoyaan iyo roob joogto ah. Cimiladani waxa ay dhacdaa oo laga helaa loolal badan dhexdooda. Waxaase ugu caansan tan kulaaleyda iyo tan loolalka dhexe. Qoyaanka lagu asteeyaana waa 250mm (10 in) inkasta oo qoyaankaasi ku filanyahay inuu kaymo ka saaro waqooyiyada kanada iyo Saybeeriya.

fur [m.dh] (-ro, m.l)
Summad xoolaha lagu asteeyo oo dhegta inteeda sare la gooyo.

heer-tamar [m.dh]
(kiim.) (Atam). Dhiska elektarooneed ee tilmaamaya sida elektaroonada ku gadaaman bu'du u habaysanyihiin, gaar ahaan heertamarrada ay ku sugan yihiin. Elektaroon kasta waxa xaaladdiisa. Lagu asteeyaa afarta tiro kuwaantam.

horseed [m.l] (-dyo, m.dh)
Qof marka la degayo hore loo diro oo meesha la degayo sii asteeya.

intalbi [m.l] (-iyo, m.dh)
(fiis.) Summada H ayaa lagu asteeyaa waana wadarta tamargudeedka (U) iyo cadaadiska (P) iyo mugga (V) ee hab leeyahay ( H = U + PV).

milan caadi ah [m.l] (-nno ..., m.dh)
(kiim.) Milanka ay ku jiraan culays hal garaam isudhigan halkii litir ee Milan ahba. Waxa lagu asteeyaa summadda N, sida O.2N, I.ON, iwm.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg