asto
(m.dh)

ld astaan¹, astaan².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh asto

aljebra [m.l]
(xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto habdhisyada tirooyinka iyo astamahooda guud ahaan. Waxa la adeegsadaa xuruufo ama summado u taagan xaddiyada, iyo astooyin u taagan iskuxiridda xaddiyada ama tirooyinka.

astaan [m.dh] (-aamo, m.l)
Summad. ld asto.

astaan [m.dh] (-aamo, m.l)
(daaw.) Tilmaan cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. ld asto.

baasto [m.dh]
Cunto ka samaysan bur la qallajijey oo qaabab kala duwan leh oo la cuno.

baastoolad [m.dh]
ld bastoolad.

bastoolad [m.dh] (-do, m.l)
Hubka fudud nooc ka mid ah, xabbado ka dhacaan, jeebka lagu qaadan karo oo gacanta laga rido. ld baastoolad.

bastooreyn [m.dh]
(daaw.) Kululeynta caano ilaa kulku gaaro 65°C oo lagu hayo soddon daqiiqadood (30), ama kulka la gaarsiiyo ila 72°C laguna hayo shan iyo toban daqiiqadood (15), si loo dilo baktiiriyada ay ka mid yihiin kan qaaxada iyo kan tiifowga.

kalaggoyn [m.dh]
(xis.) Asto (-). Xisaabfalka labaale ee lagu helo faraqa u dhexeeya laba tiro ama xaddi. Kalaggoyntu waa waydaarka isugeynta.

makasto [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
ld makas.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg