awdmid
(m.f.dh)

ld awdan¹.

awdmid
(m.l)

(daaw.) Xubin daloosha ee jirka ka mid ah oo wada xiranta ama qaarkeed awdmo; sida xiidmaha, halbowlayaasha iwm.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh awdmid

awdmid halbowle wadne [m.l]
(daaw.) Marka xinjir ku sameysmato halbowlaha wadnaha dhexdiisa, taas oo keenta in dhiiggu ka xirmo waraabinta wadnaha.

xinjir-roor [m.l] (-ro ..., m.l)
(daaw.) Xaalad dhiiggu uu ka beddelmo dareere oo uu noqdo adke oo uu sameeyo xinjir. Xinjir-awd wuxuu ku dhacaa xididdada dhiigga waana xaalad cudureed. Xinjir awdku halbowle wuxu keenaa in dhiiggu ka xirmo soohyada halbowluhu waraabin jiray intuu-san xirman. Awdmidda halbowle maskaxeed waxay ka mid tahay sababaha keena dhibib-ka (strike); xinjir awdka halbowle wadneedna waxay keentaa wadne wareen (heart attack).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg