baahi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

U b.: war dad badan u sheegid.

baahi
(m.dh)

1. Dareen nafleyda ku dhaca marka ay muddo cunto moogaato; gaajo. 2. Xaalad cunto yari oo meel ka dhacda. 3. Dhibaato ay keento wax la aantooda. Tus. “Biixi lacag buu baahi u qabaa”.

baahi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

U b.: cid in ay wax u baahato badid.

Gabaahiir*

Macnaha halkan ku qor / Meel cidlo ah oo an wax dad ah joogin 


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baahi

faaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Biyo, cudur, war iwm meel ku baahid. ld faah², faax². faah, faax

faafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
War, cudur iwm meel si ballaaran ugu baahin. ld faahi, faaxi (2). faahi, faaxi

faahi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Cid magaceed, war iwm baahin. ld faafi. faafi

baah [m.l]
ld baahid. baahid

baahan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-hnaa, -hnayd)
1. Wax baahi hayso ahaansho (nafley). 2. U b.: wax wax u mucurtaysan ahaansho.

baahid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baah². ld baah¹. baah

baahillaawe [m.l]
Qofka aan cidna u baahnayn; Alle. alle

baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg