baal
(m.l) (-lal, m.l/dh)

1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.

baal
(m.dh) (-lo, m.l)

Dhinac, doc. Tus. “Baasha midigta ee albaabka istaag”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baal

haad [(haad, m.dh)] m.l
Nafleyda inta duusha oo baalka leh.

haad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Wax baalal leh dhul kor uga kicid. 2. Ka h.: naf, qof ka bixid. Tus. “Cali way ka haadday”.

haadahaade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Cayayaan yaryar, caddaan xigeen ah, baalal jilicsan leh oo meseggeda ku dhasha.

yabaal [m.l]
1. Dhirta magoolkeeda. 2. ld yabaalid. yabaalid

yabaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Magoolid (geed).

yabaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yabaal². ld yabaal¹ (2). yabaal

baad [m.l]
1. Caws, caleen, xaab iwm oo ay xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid ka mid ah labada garab ee haadda ama dayuurad; baal. baal

caado-immaansho [m.dh] (c.baay.)
Xilliga caadadu ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan. caado, dhibaad, xiso, xayl

daaf [m.l]
(daaw.) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax.

nabaal [m.l]
Isku dar kiimikaad oo laga sameeyo bombo wax gubta.

ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg