baalid
(m.l)

B. ah: wax muddo dheer jiray oo aad u gaboobay.

baalid
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

Wax muddo dheer jiray, aad u gaboobid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baalid

yabaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yabaal². ld yabaal¹ (2). yabaal

qaarxabaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaarxabaal².

xabaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xabaal³. ld xabaal¹, xawaal¹.

baalidid [m.f.dh]
eeg baalid².

buubaalid [m.f.dh]
eeg buubaal².

dabbaalid [m.f.dh]
eeg dabbaal³. ld dabbaal¹ (2).

isxabaalid [m.dh]
(baay.) Xaalad hurdo oo kale ah, taasi oo xayawaanka qaarkood kaga gudbaan bilaha jilaalka ee ay jiraan cunta yaraanta iyo qabowgu. Waxay xayawaanku sameeyaan isbeddello fisiyoolajiyeed oo ay ka mid yihiin hoos u dhaca heerkulka jidhka iyo garaaca wadnaha, waxa anay ku noolaadaan keydka duxdooda.

jagaf [m.l] (-fyo, m.dh)
1. Weel sida badan bir ama caag ka samaysan oo qashinka lagu qaado. 2. Qalabka guriga la dhigo ama laga sameeyo oo baalid ah.

baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.

baal [m.dh] (-lo, m.l)
Dhinac, doc. Tus. “Baasha midigta ee albaabka istaag”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg