baane
(m.l) (-nayaal, m.l/dh)

1. Codkar; nin yaqaan hadal faan, dhaar iyo handadaad isugu jira jeedintiisa. 2. Khaniis. 3. ld baanise.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baane

baanise [m.l]
1. ld baaniso. Hadal ama dood qoran ama aan qornayn oo meel madal ah laga yiraahdo; khudbo. 2. ld baane.

baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg