baaq
(m.l) (-qyo, m.dh)

1. Cod dheer oo ay isugu yeeraan dad badan oo raabe-raabe u socda si aanay u kala lumin. 2. Cod ama calaamad gaar ah oo ciidan isugu afgarto. 3. Hadal ama dhaqdhaqaaq maldahan oo cid wax lagu fahamsiyo. 4. ld baaqid.

baaq
(m.l) (-qyo, m.dh)

(taar.) War cad oo rasmi ah.

baaq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)

Baaq samayn.

Ibaaqo*

Biyaha dareenka ku yimaad ee xubinta taranka ragga kasoo baxa .shahwo .mani


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baaq

haadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati. haati

yabaaq [m.l]
ld yabaq¹. yabaq

jaawo [m.dh]
1. ld farjaw. Isku xoqidda suulka iyo farta si ay shanqar u sameeyaan iyadoo nafley loogu baaqayo. 2. Suul-dhabaale la sameeyo marka turub laga yamxeerinayo.

nabad-jeceyl [m.l]
(fals.) Dhaqdhaqaaq ka soo horjeeda dagaallada oo loo adeegsado xallinta mashaakillada, uguna baaqa adduunweynaha nabad ku wada noolaansho.

ool [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lay, -ooshay)
1. ld aal 2. Socod, geeddi iwm ka baaqasho. 2. Ka o.: wax helitaankooda ka quusasho.

tabaaqil [m.l]
Dhir teel fog.

tabatabbo [m.dh]
Weel baaquli u eg oo ka samaysan argeeg, dushana aleel looga sharxay oo subagga, oodkaca iwm lagu shubto.

xaasil [m.l] (-llo, m.dh)
Wax la kala jaray inta soo harta; baaqi.

xagurrin [m.l]
Geel intiisa rimi karta ay hal xilli wada rintay oo aan midi ka baaqsan.

afdhabaandhab [m.l]
1. Baaq si aayar ah afka gacanta loogu garaaco si cid hadlaysa loo aammusiiyo. 2. ld afdhabaandhabid.

ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg