baaqi
(m.l)

Tiro go'an inta ka baxday mooyee inta kale ee ka soo harta; haraa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baaqi

tabaaqil [m.l]
Dhir teel fog.

xaasil [m.l] (-llo, m.dh)
Wax la kala jaray inta soo harta; baaqi.

afjaaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Cid u baaqid.

baaq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Cod dheer oo ay isugu yeeraan dad badan oo raabe-raabe u socda si aanay u kala lumin. 2. Cod ama calaamad gaar ah oo ciidan isugu afgarto. 3. Hadal ama dhaqdhaqaaq maldahan oo cid wax lagu fahamsiyo. 4. ld baaqid.

baaqbaaqid [m.f.dh]
eeg baaqbaaq.

baaqid [m.f.dh]
eeg baaq³. ld baaq¹ (4).

baaqimo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Neef caana yar; gabno; badho. ld baaqin.

baaqin [m.l]
ld baaqimo.

baaqin [m.dh]
Summad alif ah oo idaha shanshada ama tagoogta loogu dhigo.

baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg