baaqid
(m.f.dh)

eeg baaq³. ld baaq¹ (4).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baaqid

afjaaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Cid u baaqid.

baaq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Cod dheer oo ay isugu yeeraan dad badan oo raabe-raabe u socda si aanay u kala lumin. 2. Cod ama calaamad gaar ah oo ciidan isugu afgarto. 3. Hadal ama dhaqdhaqaaq maldahan oo cid wax lagu fahamsiyo. 4. ld baaqid.

baaqbaaqid [m.f.dh]
eeg baaqbaaq.

beeqbaaqid [m.f.dh]
eeg beeqbaaq².

dabaaqid [m.dh]
ld dabaakhid.

dalbo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-baday, -batay)
1. Dalab sameyn (qof). 2. Ciidan amar siin. 3. Isu baaqid (turub).

hayaay [m.dh]
1.H. baaqid; h. u yeerid. 2. (e.d) Waryaa!; naayaa.

iljebi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Hal mar il isku qabasho. 2. U i.: qof isha ugu baaqid.

qandhuufo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ftay, -fatay)
1. Far iyo suul ciddiyahooda cid ku xanuujin. 2. Cid hoos ugu baaqid. ld qanjaruufo².

baaq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Cod dheer oo ay isugu yeeraan dad badan oo raabe-raabe u socda si aanay u kala lumin. 2. Cod ama calaamad gaar ah oo ciidan isugu afgarto. 3. Hadal ama dhaqdhaqaaq maldahan oo cid wax lagu fahamsiyo. 4. ld baaqid.

baaq [m.l] (-qyo, m.dh)
(taar.) War cad oo rasmi ah.

baaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Baaq samayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg