baar
(m.l)

1. Fiidda sare ee geed ama timo iwm. 2. Dhoqor dhaadheer ah oo ka baxda kuruska geela dushiisa. 3. Ciyaarta daba-ka-eriga, hal mar oo turubka la qeybiyo laguna ciyaaro. 4. Isha baalkeeda. 5. (-rar, m.l) Meel lagu iibsho cabitaanka iyo cunto fudud.

baar
(m.dh)

(baar, m.dh) 1. Geedka cawdu ka baxdo, waa dhir oo ay isku bah yihiin timirta, bixiya miraha qoonaha iyo caw oo ka baxa meelaha kulul ee biyaha leh. 2. Nagaar dhulka ku faalala oo xooluhu daaqaan.

baar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

1. Wax qarsoon raadin. 2. Wax la qaadan waayay noqosho (badeeco). Tus. “Hilibkii wuu baarey”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baar

aaddan [f.g.mg4] (-naa, -nayd)
1. (f.g) Is aa.: laba nafley wax da'da ama xoogga iska le'eg ahaansho. 2. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale ku beegan ahaansho. Tus. “Guriga Cali wuxuu ku aaddanyahay Baar Ubax”. 3. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale muuqaalkooda isku gudbay ahaansho. 4. (f.mg) Ku soo aa.: wax la filayo in uu meel yimaaddo ama ku dhaco waqti go'an ahaansho.

faafreeb [m.l]
Guddiga baara filimada, jaraa'idka, buugaagta iyo riwaayadaha inta aan loo bandhigin dadweynaha.

taabasho [m.dh]
(daaw.) Hab baaritaan qayb ka mid ah jirka ayadoo si taxaddar leh lagu dareemayo gacamaha iyo faraha fooddoo-da. Taabashada waxa marar badan lagu kala sooci karaa barar adke ah iyo mid tulux ah. Taabashada waxa kale oo loo isticmaalaa in lagu ogaado jiritaanka ilmo uurka ku jira. ld taabad taabad

jaafi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. J. ah: shay qiro leh. 2. Derin weyn oo ka samaysan caw baar ama mayro oo labadeeda dhinac duf lahayn.

caafimaad-beeleed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.

maala-abbaar [m.l]
Mala'awal.

raadgoob [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Waxa maqan meesha uu maray baarid. 2. Wax maqan doonid.

raadgur [m.l]
1. ld raadgurid. Doonidda wax maqan meesha uu maray. 2. ld raadgurid. Baaridda arrin iyada oo la eegayo sidii ay u dhacday. 3. Tuug wax qaaday si uusan ula fogaan sixir lagu sameeyo.

raadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax raadkiisa doonid. 2. Wax maqan meesha uu ku suganyahay doonid. 3. Wax baarid.

raadiyografi [m.l] (-iyo, m.dh)
(daaw.) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.

ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg