baaraandeg
(m.l)

1. (-gyo, m.dh) Dabbaaldeg. 2. ld baaraandegid.

baaraandeg
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)

Ka b.: arrin, fikrad iwm aad u hubin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baaraandeg

axar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xray, -xartay)
1. Timir iwm lafo ka saarid. 2. Arrin aad uga baaraandegid.

baaraandegid [m.f.dh]
eeg baraandeg². ld baaraandeg¹ (2).

bogo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1.(f.g) Cunto, cabid iwm ka dhergid. 2. Ka b.: arrin, hawl iwm ka baaraandegid; ka salgaarid.

lafaggur [m.l]
1. Bixinta meel jabtay lafaha laga bixiyo. 2. Ka baaraandegga arrin iwm lagu sameeyo. ld lafaggurid.

lafaggur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Meel lafi ka jabtay burbur ka bixin. 2. Timir, hilib iwm lafo ka gurid. 3. Arrin ka baaraandeggid.

mindirraaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Arrin aan weli bislaan ama aan dhab looga baaraandegin, si deddejis ah ku dhammayn. 2. Neef aan la baxnaanin oo aan loo warhayn inuu dhiman lahaa iyo in kale, mindi ku gowricid.

ruug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax adag calaalin. 2. Arrin si wanaagsan uga baaraandegid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg