baare
(m.l) (-rayaal m.l/dh)

Qof baara arrin la xiriirta aqoon ama sir dad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baare

abaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax abaar ah ka dhigid (meel). ld abaaraysii.

abaareysad [m.l]
ld abaaraysasho.

abbaare [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
Qiyaasta ugu dhow wax aan la hubin oo la qiyaaso. Tus. “Waxaan ku sugayaa abbaaraha lix saac”.

baar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax qarsoon raadin. 2. Wax la qaadan waayay noqosho (badeeco). Tus. “Hilibkii wuu baarey”.

cambaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Cambaar u yeelid. 2. Cid ceeb iyo dhaliil ka faafin; dhaleecayn, ceebayn.

dhir-abaareed [m.dh] (-ryo ..., m.dh)
(bot.) Geed qabatimay ku noolaanshaha gobol biyoyarood ah, sida, meelaha abaaruhu ka dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.

geed-abaareed [m.l]
Dhirta inteeda had iyo jeer cagaarka a.

baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg