baarid
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

B. ah: Wax aad u qabow.

baarid
(m.f.dh)

eeg baar². ld baaraan, baaris³, baaritaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baarid

raadgoob [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Waxa maqan meesha uu maray baarid. 2. Wax maqan doonid.

raadgur [m.l]
1. ld raadgurid. Doonidda wax maqan meesha uu maray. 2. ld raadgurid. Baaridda arrin iyada oo la eegayo sidii ay u dhacday. 3. Tuug wax qaaday si uusan ula fogaan sixir lagu sameeyo.

raadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax raadkiisa doonid. 2. Wax maqan meesha uu ku suganyahay doonid. 3. Wax baarid.

raadqaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Raad baarid, raadraacid. 2. Qof sixirid si uu meesha uu ku nool yahay uga cararo. ld raadgan.

xabbaarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xabbaar².

xambaarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xambaar². ld xambaar¹.

abbaarid [m.f.dh]
eeg abbaar³. ld abbaar¹.

baanji [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Si aan xasilooni iyo nidaam lahayn wax u baarid.

baaraan [m.l]
ld baarid².

baar [m.l]
1. Fiidda sare ee geed ama timo iwm. 2. Dhoqor dhaadheer ah oo ka baxda kuruska geela dushiisa. 3. Ciyaarta daba-ka-eriga, hal mar oo turubka la qeybiyo laguna ciyaaro. 4. Isha baalkeeda. 5. (-rar, m.l) Meel lagu iibsho cabitaanka iyo cunto fudud.

baar [m.dh]
(baar, m.dh) 1. Geedka cawdu ka baxdo, waa dhir oo ay isku bah yihiin timirta, bixiya miraha qoonaha iyo caw oo ka baxa meelaha kulul ee biyaha leh. 2. Nagaar dhulka ku faalala oo xooluhu daaqaan.

baar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax qarsoon raadin. 2. Wax la qaadan waayay noqosho (badeeco). Tus. “Hilibkii wuu baarey”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg