baaro
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-rtay, -ratay)

1. Xoolo naftu ka baxayso rafasho. 2. Ku b.: wax burburin ama baabbi'in. Tus. “Beertii dibi qooqan baa ku baartay”.

baaro
(m.dh)

Wasakh midab cad leh oo ka dhalata marka aan la nadiifin xubnaha taraanka dadka aan la gudin.

baaro
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-rtay, -ratay)

Wax qarsoon, raadin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baaro

waaran [m.l] (-nno, m.dh)
1. Warqadda lagu oggolaado lacag la doonayo in la bixiyo. 2. Warqad maxkamaddu ku oggolaato qof in la xiro ama in wax la baaro.

xambaaro [m.dh]
Dhabar wax ku qaadid, dhabarka wax lagu qaado.

xambaaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Wax dhabarka ku qaadasho. 2. Gabar la guursa-nayo xoog kula bixid. ld xambaarso.

abaaroobid [m.f.dh]
eeg abaarow.

abaarow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax abaari ku dhacday noqosho (meel).

baarasho [m.f.dh]
eeg baaro. ld baarad.

bukaansocod-eegto [m.dh] (-ooyin, m.l)
Meesha dadka jirran lagu baaro cudurradooda oo lagu daaweeyo, laakiin aaney seexan.

baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg