baaruud
(m.dh) (-do, m.l)

Budo maaddo qaraxda ah, fuuqa xabbadda ku jira oo gumuca ridda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baaruud

fuuq [m.l] (-qyo, m.dh)
Dhuunta baaruudda xabbadda qarxisaa ku jirto; qashir.

kabriid [m.l] (-ddo, m.dh)
Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. ld kebriid, kibriid.

qashir [m.l]
1. Qayb ka mid ah qaybaha xabbadda badanaa ka samaysan maar, leh qaabka dhululubada, oo ay ku dhex jirto baaruud, afka horena ku wadata sulub. 2. Gufarka caleenta shaaha ama bunka oo weelka salkiisa ku hara. ld gashir, qashar.

rash [m.dh]
1. Xabbad baaruud kala firirta leh oo lagu laayo shimbiraha iwm. 2. Qa-raaxad ka kooban xaashi adag oo ay baaruudi ku jirto oo inta badan iidaha iyo xafladaha la rido. 3. R. ah: bunduqa lagu rido xabbadaha rashta.

sulub [m.l]
1. S. ah: wax aan xanaf lahayn. 2. (-byo, m.dh) Dhagax adag oo aan meel la qabsado lahayn. 3. (-byo, m.dh) Xabbadda marka laga saaro gumaca iyo baaruudda.

tarraq [m.l] (-qyo, m.dh)
Qoryo yaryar oo la farsameeyey oo afka baaruud ku leh; kabriid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg