baas
(m.l) (-sas, m.l)1. Dhibaato aad u weyn; belo. 2. Warqad aqoonsi oo lagu galo meel gaar ah sida xeryaha ciidamada, dekedaha iwm. 3. Rasaas si is daba joog ah u dhacda.
baas
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-say, -stay)Imtixaan gudbid. Tus. “Cali, imtixaankii wuu baasay”.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baas ↴
rabbaas [m.l]
Orod boodbood leh. ld rabbaasid.
rabbaas [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
Orod boodbood leh samayn (nafley).
rabbaasid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg rabbaas². ld rabbaas¹.
taangi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Weel bir ah oo baabuurta ku rakiban oo biyaha, baasiinka iwm lagu shubo. 2. Nooc baabuurta qafilan ee dagaalka ka mid ah.
tabaashiir [m.l]
Wax qalin ahaan lagu qoro sabburadaha.
tabaashiir [m.l]
(jool.) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.
wadaamaggoysyo [m.dh]
Cutub xiddigo oo ka mid ah kuwa koonfur, waa if xiddigood afar baase ah u iftiin badan oo ishu si fudud u qaban kartaa, afartu waxay u egyihiin istalaab oo waxaa loo yaqaan istallaabta koofur, waxayna u dhowyihiin awrka cir; wadaamaqubo. ld wadaamaggoys, wadaamaqubo.
yeeg [m.l] (-gag, m.l)
Turub hal dhibic leh oo ka sarreya baashiga. ld yake (2), yeeke.
abaaseere [m.l]
Qof madax ka ah goobta booranaha ama mingiska lagu tumo. ld abbaseere.
baansiin [m.l]
Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qeybaha ka soo baxa middood oo aan midab lahayn dabkana qabsan og oo loo isticmaalo shidaal ahaan; batrool. ld baansiino, baasiin, baasiino, bansiin, bensiin.
ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu
doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus.
“Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.