baash
(m.l)

ld baashi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baash

tabaashiir [m.l]
Wax qalin ahaan lagu qoro sabburadaha.

tabaashiir [m.l]
(jool.) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.

yeeg [m.l] (-gag, m.l)
Turub hal dhibic leh oo ka sarreya baashiga. ld yake (2), yeeke.

baashaal [m.l]
1. Sheeko, ciyaar iwm oo waqti isku dhaafin. 2. ld baashaalid.

baashaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Sheeko, ciyaar iwm. waqti ku dhaafin.

baashaali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof kale sheeko, ciyaar iyo waqti ku dhaafin.

baashaalid [m.f.dh]
eeg baashaal². ld baashaal¹ (2).

baashaalin [m.f.dh]
eeg baashaali.

baashaar [m.l] (-rro, m.dh)
Kuul baro yaryar leh oo haweenku ku xarragoodaan.

baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg