baashi
(m.l) (-iyo, m.dh)

Waraaqaha turubka midka yeekaha ku xiga oo boqorka ku sawiranyahay. ld baash.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baashi

tabaashiir [m.l]
Wax qalin ahaan lagu qoro sabburadaha.

tabaashiir [m.l]
(jool.) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.

yeeg [m.l] (-gag, m.l)
Turub hal dhibic leh oo ka sarreya baashiga. ld yake (2), yeeke.

baash [m.l]
ld baashi.

baashir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Si wanaagsan oo farxad iyo reyn-reyn leh qof u qaabilid.

baashirid [m.f.dh]
eeg baashir.

karbaashid [m.f.dh]
eeg karbaash².

baas [m.l] (-sas, m.l)
1. Dhibaato aad u weyn; belo. 2. Warqad aqoonsi oo lagu galo meel gaar ah sida xeryaha ciidamada, dekedaha iwm. 3. Rasaas si is daba joog ah u dhacda.

baas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Imtixaan gudbid. Tus. “Cali, imtixaankii wuu baasay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg