baasto
(m.dh)

Cunto ka samaysan bur la qallajijey oo qaabab kala duwan leh oo la cuno.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baasto

baastoolad [m.dh]
ld bastoolad.

bastoolad [m.dh] (-do, m.l)
Hubka fudud nooc ka mid ah, xabbado ka dhacaan, jeebka lagu qaadan karo oo gacanta laga rido. ld baastoolad.

garcadde [m.l]
Bariid ama baasto aan sanuunad ama suugo lahayn oo caano ama iidaan kale lagu daray. ld gaarcadd.

sefed [m.dh] (-do, m.l)
Wax meel laga gurayo oo meel kale la gaynayo inta hal mar la dejiyo: maqaasiinkii waxaa la keenay sefed baasto ah.

baas [m.l] (-sas, m.l)
1. Dhibaato aad u weyn; belo. 2. Warqad aqoonsi oo lagu galo meel gaar ah sida xeryaha ciidamada, dekedaha iwm. 3. Rasaas si is daba joog ah u dhacda.

baas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Imtixaan gudbid. Tus. “Cali, imtixaankii wuu baasay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg