baati
(m.l) (-iyo, m.dh)

Dhar cudbi ah, adag oo midabo leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baati

baatir [m.dh] (-rro, m.dh)
Qaalin geel ah oo aan rimin waqtigii ay rimi lahayd.

gabbaati [m.l]
Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursanayo oo yaradka ka horreeya.

gabbaati [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Hanti yar, markaas gabar la guursanayo, ka bixin.

gabbaatiyid [m.f.dh]
eeg gabbaati².

niibaati [m.dh]
Fuur ama guf meel daloosha lagu buuxiyo.

baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg