baaxad
(m.dh)

Ballac.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baaxad

laakoliit [m.l]
(jool.) Kuus weyn oo dhadhaabo shiileed ah oo ka hooseeya dhulka dushiisa, oo marka qaarkood gaaraysa baaxadda buur; waxaa sababa magmada oo soo dhex gasha qolofta dhulka iyadoon soo gaarin dusha, lakabyada dusha waxaa kor u xooda soo gelitaanka.

xaddi-foolwaa [m.l] (-iyo ..., m.dh)
(xis.) Xaddi sida: cuf, dherer, waqti, cufnaan ama tamar oo leh baaxad ama laxaad; hase yeeshee aan lahayn jiho. Xisaab ahaan xaddiyadan oo kale waxaa la yiraahdaa xaddi foolwaa.

addin [m.l] (-imo, m.dh)
1. (xis.) Tirada kulannada loo baahanyahay in baro lagu muujiyo xarriiq dusheeda, qaab ama adke. Shaxan sallax ah waa laba addimaale, shaxan adke ahna waa saddex addimaale. 2. (xis.) Baaxadda shaxan sallax ama adke ah. 3. (xis.) Mid ka mid ah xaddiyada fisigeed ee salka ah oo loo adeegsan karo in lagu tibaaxo xaddiyo kale.

baaxadsoore [m.l] (-rayaal m.l/dh)
Meesha baaxadda bartankeeda ah; wax fidsan oo ballaaran wadaagihiisa; dhex; bartame.

bed [m.l] (-dad, m.l)
(xis.) Summad A. Cabbirka ama baaxadda dul. Dushu waxa ay noqon kartaa dul sallax ah ama dul xoodan. Halbeegga caalamiga ah ee bedka waa mitir labajibbaaran (m2).

dhexeeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Urur kasta oo daato ah marka loo ratibo horsamaan baaxadeed ama fanata tirada ama walaxda ku aaddan bartamaha ururka.

dhul-duniyeed [m.l]
(c.fal.) Midka shanaad sagaalka meere qorraxeed marka la fiirsho xagga baaxadda ama weynaanta, isla markaas waa midka saddexaad marka la fiirsho ka fogaanta qorraxda. Oogada dhulka ee adag ee xagga usha ah waxaa loo yaqaan litosfeer, waxaana qayb weyn oo ka mid ah daboola biyoolayda dhulka, waxaana ku gedfan neefo loo yaqaan gibilka.

dhuub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax baaxaddiisa yaryar.

dhuuban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Wax baaxaddiisa la yareeyey ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg